Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyrre ayaa shalay shir guddoomiyey kulan looga hadlayay arrimaha ammaanka ee Soomaaliya.
Shirkii shalay waxaa ka qeyb-galay madaxda laamaha amniga dalka, waxaana lagu falanqeynayey dardar-gelinta hawlaha sugidda amniga iyo xasilinta dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.
Dhinaca kale madaxda laamaha amniga qaranka oo iyaguna shirkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyey waxqabadka iyo qorshe hawleedkooda, iyagoo dhanka kalena ka dalbaday shacabka inay taageeraan barnaamijyada dalka lagu xasilinayo.
Xukuumadda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Kheyrre, ayaa qorshaha koowaad waxa uu u yahay sugida ammaniga dalka Soomaaliya.
Dalka Soomaaliya ayaa qeybo kamid ah waxaa maamulla Al Shabaab, gaar ahaan qeybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale Al Shabaab ayaa inta badan weeraro ka fuliya Magaalladda Muqdishu, taas oo muujineysa in Al Shabaab ay wali awoodaan in ay weeraro ka fuliyaan magaalladda Caasimadda ee Soomaaliya.