Beesha Caalamka Iyo Dowlada Federaalka oo Isku Raacay Dhismaha Ciidan Qaran

0
57

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiisyo la gashay beesha caalamka si loo dhiso ciidanka Qaranka ee Soomaaliya.

Ujeedka dar-dargelinta dhismaha ciidanka Qaranka ayaa lagu sheegay sidii ay ula dagaalami lahaayeen Al Shabaab oo hadda dagaal xooggan kula jirta Dowladda iyo AMISOM.

Shirkii ka dhacay Lancaster House ee magaalladda London, waxaa kasoo qeyb-galay in kabadan 40 wadan, kuwaas oo fursado u abuuray dalka Soomaaliya si looga baxo khilaafka soo socday sanadooyin badan.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa sheegay in loo baahan yahay $900 million oo dollar oo dheeraad ah sanadkan, si loo kordhiyo kaalmada bani’aadanimadda ee dalka Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa hadalkaasi ka sheegay shirkii ka dhacay magaalladda London ee looga hadlayay arrimaha dalka Soomaaliya.