Diyaarad siday 67 qof oo Soomaali ah iyo 5 kenyan ah oo laga soo tarxiilay dalka Mareykanka ayaa maanta soo caga dhigatay Garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee dalka Kenya.
Soomaalidda laga dejiyay magaalladda Nairobi ayaa la filayaa in loosoo gudbiyo magaalladda Muqdishu, sida ay sheegeen saraakiisha garoonka Jomo Kenyatta.
Safaaradda Soomalidda ee dalka Mareykanka ayaa horay u sheegtay in dadka lasoo masaafurinayo ay iyaga dalbadeen in dalkooda hooyo lagu celiyo.
Afhayeenka dowladda Kenya, Eric Kiraithe ayaa sheegay in Kenya iyo Mareykanka ay iska kaashanayeen fududeynta hawlgalkan lagu soo masaafuriyay dadkaasi.