Diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya ayaa lasoo sheegayaa in ay maanta duqeyeen degaan hoos yimaada Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.
Diyaaradaha ayaa duqeyay degaanka Kedis oo 25km u jira magaalladda Garbahaarey, sida mas’uuliyiinta degaanka ay sheegeen halkaas oo ay alshabab saldhig ku lahaayeen.
Lama shaacin khasaaraha ka dhashay duqeynta, mana jiraan war kasoo baxay dowladda Kenya iyo maamulka Jubbaland ee Soomaaliya.
Axadii lasoo dhaafay, dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday saldhiga ciidanka dowladda Kenya ay ku leeyihiin duleedka degmadda Baardheere ee Gobolka Gedo.