Maamulka Gobolka Gedo oo Ka Hadley Duqeyn Ay Diyaaradaha Dalka Kenya Ka Geysteen Gobolka

0
144

Maamulka Gobolka Gedo ee Soomaaliya, ayaa ka warbixiyay duqey ay diyaaradaha dowladda Kenya ka fuliyeen shalay dhul howd ah oo ku yaalla Gobolka Gedo.

Diyaaradaha ayaa duqeyay degaanka Kedis oo 25km u jira magaalladda Garbahaarey ee Gobolka Gedo, sida mas’uuliyiinta degaanka ay sheegeen.

Dhinaca kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in diyaaradaha ay raadsanayaan saldhigyada Al Shabaab, waxaana sidoo kale uu beeniyay in dad rayid ah ay khasaare kasoo gaareen duqeynta.

Axadii lasoo dhaafay, dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday saldhiga ciidanka dowladda Kenya ay ku leeyihiin duleedka degmadda Baardheere ee Gobolka Gedo.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Tarako oo qiyaastii 50km galbeed kaga beegan magaalladda Baardheere.