Shir ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dastuurka ee dowladda Fedraalka Soomaaliya, ayaa maanta ka furmay magaalladda Muqdishu.
Shirka waxaa ka qeyb-galaya qaar kamid wasaaraddaha Dastuurka ee maamul-gobolleedyadda, waxaana diiradda lagu saarayaa arrimo ku saabsan dib-u-eegista dastuurka dalka.
Dastuurka Soomaaliya ayaa ah qabya qoraal, waxaana xukuumadihii dalka soo maray ay wadeen sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka.
Aqoonyahanada Soomaalidda iyo siyaasiyiinta ayaa ku talinaya sidii loo dar-dargelin lahaa dhameystirka dastuurka, maadaama ay jiraan meelo badan oo aan kala cadeyn iyo awoodaha qaar oo mugdi ku jira.