Madaxweynaha dalka Mareykanka oo Maanta Gaarey Magalada Riyaad ee Dalka Sacuudi Arabiya

0
62

Madaxweynaha Dalka Maraykanka, Donald Trump, ayaa maanta gaaray caasimadda Riyaadh ee dalka Sacuudi Carabiya, halkaasi oo uu uga billaabmay safarkii ugu horreeyay ee uu dibadda ku tago tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

Trump ayaa maanta la kulmi doona boqorka dalka sacuudiga boqor Salmaan, waxaana uu Axada beri ah khudbad u jeedin doonaa hogaamiyayaal ka socda in ka badan 40 dal oo Muslim ah.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale la filayaa in kulamadaasi lagu kala saxiixdo heshiisyo gacansi oo ku kacaya balaayiin doolar.

Safarkiisa oo 8 cisho qaadan doona ayaa sidoo kale waxa uu ku mari doonaa Israa’iil, dhulka Falastiiniyiinta, Brussels, Vaticanka iyo Sicily.