Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu waddaa in uu ka qeyb galo Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo sidoo kale dowladda Mareykanka oo lagu qabanaayo Dalka Sucuudiga.
Madaxweynaha ayaa waxaa uu ka qeyb galaya Shirka taariikhiga ah ee u dhaxeeya dalalka Islaamka iyo sidoo kale dowladda Mareykanka oo maanta ka furmaya Magaalada Riyaad.
Boqorka Sucuudiga ayaa Madaxweyne Farmaajo horay ugu soo diray Warqad Casuumaad ah oo ku aadan in uu shirkaasi ka qeyb galo.
Boqorka Sucuudiga ayaa sheegay in ay muhiim tahay in uu kasoo qeyb galo Madaxweynaha Soomaaliya Shirkaasi , maadaama Soomaaliya xilligaan ay u baahan tahay taageero.