Halkey Ku Dambeysey Dacwadii Loo Heystey Dilkii Ay Geysteen Hantidhowrka Guud iyo Ilaaladiisa

0
87

Xog ay heleen daafeet media ayaa sheegeysa in Dacwadihii loo heystay Hanti Dhowrihii Guud ee Qaranka, Dr Nuur Faarax Jimcaale oo ay ciidamadiisa si bareer ah ugu dileen magalada muqdisho wasiirkii hore ee howlaha guud lagu dhameynayo xeer hoosaad.

Wararku waxa ay sheegayaan in maalmahan kulamo hoosaad ay ka socdeen magalada muqdisho kulankaas oo u dhexeeyey siyaasiyiinta beesha hantidhowrka iyo kuwa wasiir Siraaji si xal hoosaad looga gaaro dhamaan Dacwadihii loo heystay Hanti dhowraha xilka waayay iyo ilaaladiisa.

Dowlada Federaalka ayaa la sheegayaa in lagu qanciyay inay faraha kala baxdo kiisaska laga soo gudbiyey Hanti dhowrihii hore, isla markaana loo madax-baneeyo dulkaaliinta laba beelood.

Yuusuf Indha Cadde ayaa la sheegayaa in kaalinta ugu badaneyd ka qaatay xalinta xiisada Hanti dhowrihii Hore, waxa uuna dusha saartay in isaga wax laga weydiin doono wixii dhibaata ah oo ka imaada dhanka Hanti dhowrihii xilka waayay.

Waxaa kaloo soo ifbaxaya in si weyn loo hareer marey cadaaladii ay sugeysey umada somaliyeed oo aheyd in sharciga la hor keeno cidii ka dambeysey dilkii loo geystey Cabaas Siraaji.

Si kastaba arintu ha ahaatee dalka somaliya ayaa ah dal ay si aad ah uga fog tahay in cadaalad iyo sinaan in umada loogu shaqeeyo, Mana aha markii ugu horeysey oo aay siyaasiyiinta kasoo jeeda koonfur galbeed dalaal ka noqdaan dilalka aan loo meel dayan oo loo geysto shaqsiyiaadka kasoo jeeda koonfur galbeed.