Garoonka Diyaaradaha ee Adan cade oo Kol Dhaw Bilaabi Doona In uu Habeenkii Shaqeeyo

0
323

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyay Qalab loogu tala galay in habeenkii uu ku shaqeeyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Qalabkaan ay la wareegtay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah nalalka lagu xiro wadada ay diyaaradaha ka haadaan ama ka soo degaan.

Qalabkaan waxaa uu ka saacidayaa in garoonka diyaaradaha ay habeenkii kasoo degaan diyaaradaha aydoo la filaayo in sida ugu dhaqsiyaha badan howshaasi ay u fulin doonaan xukumada federaalka.