Iyadoo beryahan ay magalada muqdisho kusoo badaneysey dilalka loo geysto Ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa arrintaas faah faahin ka bixisay Dowlada Federaalka.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Enj.Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay dilalka lagu haayo Ergooyinka soo dhisay Baarlamaanka iyo Beegsiga arxan darada ah ee lagu hayo.
Wasiirka Warfaafinta waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay keeni doonto qorshayaal cusub oo looga hortagaayo dilalka lagu haayo Ergooyinka iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee Shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa carabaabay in Dowlada ay qorsheysay in Mudo Seddax Bil ah amniga Muqdisho lagu sugo amniga oo aan wax dil ah ama amniga wax u dhimaya uusan ka dhicin taasna ay keenta in shabaabka iyagoo diidan arrintaas ay bilaabeen beegsiga Ergooyinka iyo qeybha bulshada.