Ciidanka Xooga Dalka oo Sheegey Iney Howlgalo Ka Bilaabeen Deegaano Hoos Taga Gobolka Bakool

0
57

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta bilaabay howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab , waxaana howlgalkaasi uu si toos uga bilowday degaano ka tirsan gobolka Bakool.

Sargaal ka tirsan guutada 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugan Gobolka Bakool ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in Ciidamada ay qaadeen dhowr jidgooyo oo u tiilay Alshabaab.

Sarkaalkaasi ayaa sidoo kale waxaa u sheegay in howlgalku uu yahay mid ballaaran oo si weyn uga qeyb qaadanayaan Shacabka iyo sidoo kale Ciidamada xoogga.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa dhawaan sheegay in ciidamada xoogga dalka ay diyaar garow xoogan ugu jiraan sidii dalka looga saari lahaa Al-Shabaab.