Gaari ay la socdeen ciyaartooy kubadda cagta ciyaarta ayaa xalay lagu rasaaseyay degaan u dhow degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Rasaata gaarigu lagu furey aya waxaa la sheegayaa in uu ku geeryoodey gaariga Yusuf Cali Xeyday, oo ahaa tababare ku-xigeenka kooxda Bariga-Dhexe, sida warbaahinta dowladda ay sheegtay, dhinaca kale masu’uuliyiin ka tirsan Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa Sheegay in rasaasta ay ku dhaawacmeen labo ciyaartoy oo u ciyaara Kooxda Elman.
Labada ciyaartoy ee dhaawacantay ayaa lagu kala magacaabaa C/llaahi Mayow iyo ciyaaryahan lagu naaneyso Zimbaabwe.
Taliyaha Qeybta Boliiska ee Gobolka Shabeellaha Hoose Col. Cabdi Ibraahim, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in gaariga lagu xabadeeyay Shabeellaha Hoose.
Ilaa iyo hada lama oga sababta ka dambeysa rasaastan lagu furay dhallinyaradan ciyaartooyda ah.