Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Maanta Gaarey Dalka Jabuuti

0
58

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa goordhow safar lama filaan ah ku tagay magaaladda Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Madaxda dalka Jabuuti oo uu ugu horeeyo madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle ayaa garoonka diyaaradaha si weyn ugu soo dhaweeyay Mudane Farmaajo.

Waxaa jira kulan dhexmaray labada madaxweyne kaas oo arimo badan looga hadlay, waxaana ugu weynaa cilaaqaadka walaalnimo ee labada dal.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa la filayaa iney war dhameystiran kasoo saarto booqashada lama filaanka ah ee madaxweyne Farmaajo uu ku joogo dalka Jabuuti.