Alshabab oo 25 Ruux Ka Qafaashey Deegaanka Nr 50 ee Gobolka Shabelaha Hoose

0
54

Mas’uuliyiinta gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in Al shabaab ay qafaasheen ilaa 25 qof kadib, weerar habeen hore ay kusoo qaadeen deegaanka nr 50 ee u dhexeeya Afgooye iyo Marka.

Sidoo kale wararka ka imanaya deegaanka Number 50 ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay dileen dhowr qof ayna tira kale dhaawaceen.

Dhinaca kale ma jirto war kasoo baxay Al Shabaab oo ku aadan weerarka ka dhacay deegaanka Nr 50.

Isniintii lasoo dhaafay, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood, ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay diyaar garow xoogan ugu jiraan sidii loola dagaalami lahaa Al shabaab.