Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa magacaabay Gudoomiyaasha 15 degmo oo gobolka Banaadir ah, ayadoo kuwii hore ay ka hareen labo gudoomiye halka 13 kale ay yihiin dad cusub.
Hadaba, waxaan halkan idiinku soo gudbineynaa beelaha ay kasoo jeedaan gudoomiyaasha la magacaabay oo loo qeybsaday nidaam ka duwan midkii 4.5 oo ah 3.5
Hoos ka Akhri Beelaha ay kasoo jeedaan Gudoomiyaasha
1- Gudoomiyaha Degmada C/casiis Sharmaarke Maxamed Ladane, Majeerteen
2- Gudoomiyaha Degmada Kaaraan C/fataax Nuur Cali Yaanyo, Abgaal, Reer Mataan
3- Gudoomiyaha Degmada Shibis Safiyo Sheekh Cali Jimcaale, Xawaadle
4- Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Maxamuud, Abgaal, Cabdulle Caroone
5- Gudoomiyaha Degmada Howlwadaag C/kariin Cali Kaar, Murusade
6- Gudoomiyaha Degmada Hodan Maxamed Cantoobo, Habargidir, Cayr
7- Gudoomiyaha Degmada Dayniile C/wali Nuur Faarax, Murusade
8- Gudoomiyaha Degmada Wadajir Cumer C/llahi Xassan, Abaal, Daa’uud
9- Gudoomiyaha Degmada Dharkeynley C/raxmaan Siid Cali, Dir
10- Gudoomiyaha Degmada Shangaani Basmo Cumer Axmed, Reer Xamar.
11- Gudoomiyaha Degmada Xamerweyne Cumer Shariif Maye, Reer Xamar.
12- Gudoomiyaha Degmada Xamerjajab C/wali C/llahi Maxamed, Abgaal, Warsangeli.
13- Gudoomiyaha Degmada waabari Rowdo C/llahi, Habargidir, Saleymaan
14- Gudoomiyaha Degmada Boondheere Zainab Yuusuf Wehliye, Abgaal, waceysle
15- Gudoomiyaha Degmada Warta Nabada Zainab Maxamuud Warasame, Habargidir, Sacad
Waxaa xusid mudan in la dhaafay Guddoomiyayaasha Degmooyinka Huriwaa oo uu hayo nin kasoo jeedo Beesha Duduble iyo Guddoomiyaha Degmad Kaxda oo ay maamulaan Shiikhaal, waana labada guddoomiye ee caawa aan xilkooda la taaban.