Dowlada Turkiga oo Sheegtey Iney Ka Qeyb Qaadan Doonto Dib u Dhjiska Ciidamada Dowlada Somaliya

0
81

Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Ambassador Olgan Bekar ayaa sheegay Dowladda Turkiga in ay ka qeyb qaadaneyso Mashaariicda Horumarineed ee Soomaaliya iyo dib u dhiska ciidamada iyo Hormarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha.

Safiirka oo wareysi siinayay Daily Sabah ayaa sheegay Turkiga in uu ka go’an yahay in uu sii wado taageerada iyo garab istaaga uu u sameynayo Soomaaliya, si loo gaaro guulo hormar leh.

Sidoo kale Bekar ayaa sheegay in ay xoogga saari doonaan sidii loo heli lahaa ciidamo xoog leh, kuwaasi oo dagaal adag la geli kara Shabaab, amniga guud ee Soomaaliya-na kala wareegi kara ciidamada midowga Afrika ee AMISOM.

Waxaa uu sheegay ugu danbeyntii safiirka in talaabadan qeyb ka tahay horumarinta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Soomaalida looga baahan yahay in ay ka faa’iideystaan dadaalada iyo mashariicda dalkiisu ka fulinayo Soomaaliya.