Somaliya oo ka Gashey Kaalinta 29aad Qiimeynta Ciidanka Milateriga Qaarada Afrika

0
60

Dowladda Masar ayaa noqotay wadanka Afrika dhanka Ciidanka Millitariga ugu wanaagsan, waxaana ku xiga dalalka Algeria, Ethiopia, Nigeria iyo koonfur Afrika, kuwaasi oo iyaguna ka mid noqday dalalka dhanka Ciidanka Millitariga ugu wanaagsan Afrika.

Warbixin ay soo saartay Hay’adda dunida u qaabilsan ogaanshaha awooda Ciidanka Millitariga ee (GFP) ayaa waxa ay ku sheegtay in Dowladda Masar ay tahay Dowladda Afrika ugu wanaagsan dhanka Ciidanka Millitariga.

Waxyaabaha lagu qiimeeyay Dowladda Masar oo ay ku gashay kaalinta koowaad ayaa ah in Ciidamadeeda ay heystaan Agab dhameystiran oo dhanka Cirka, Dhulka iyo Badda ah.

Wadamada ayaa kaalmaha waxa ay u kala galeen sida tan.

Masar 2. Algeria, 3. Ethiopia, 4. Nigeria, 5. Koonfur Afrika, 6. Angola, 7. Marocco, 8. Suudaan, 9. Libya, 10. Democratic Republic of Congo, 11. Kenya, 12. Tonisia, 13. Zembabwe, 14. Zambia, 15. Chad, 16. Tanzania, 17. Uganda, 18. South Sudan, 19. Ghana, 20. Cameroon, 21. Mozembique, 22. Niger, 23. Ivory Cost, 24. Mali, 25. Madagascar, 26. Gabon, 27. Republic of Congo, 28. Namimbia, 29. Somalia, iyo 30. Jamhuuriyada Afrikada Dhexe.