Akhriso: Dhowr Qodob oo Kasoo Kulankii U Dhexeeyey Amisom iyo Madaxda Dowlada Federaalka

0
57

Shirka u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Hoggaanka Ciidamada AMISOM oo looga hadlaayay sida Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ciidamada AMISOM ugala wareegi lahaayeen Ammaanka dalka oo muddo dhan Afar maalmood ka socday Muqdisho ayaa lasoo gabagabeeyay.

Shirkaasi ayaa waxaa si wadajir ah u shir gudoominaayay Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed iyo sidoo kale Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaliya.

Qodobadda Shirka laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ah

1- in AMISOM ay si weyn uga qeyb qaadato dhismaha ciidamada dowladda , Booliska , Nabadsuggida iyo Milatariga.

2- In Ciidamada Soomaalida lagu sii wareejiyo goobaha muhiimka ee hadda ay jooggaan AMISOM.

3- In si weyn loo dardargeliyo dagaalka lagu jiro Al-Shabaab.

4- in si weyn loo xoojiyo howlaha Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, sida ay u qaadaan dagaal ka dhan ah Xarakadda Al-Shabaab oo wali ku sugan degmooyin iyo degaano dhowr ah oo dalka ku yaalla.

5- Ciidamada AMISOM in ay taageeraan howlaha Dhismaha Ciidamada isku dhafka ah ee dhawaan ay dowladda Soomaaliya ay sheegtay in la sameyn doono.

6- In ay helaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Tababaro, qalab iyo Agabyadda kale ee ay u baahan yihiin si ay ula wareegaan Amniga dalka oo idil.