Qarax Waxyeelo Badan Geystey oo Maanata Ka Dhacay Wadada Maka Al Mukarama

0
100

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Axmed Carab, ayaa warbaahinta u sheegay in shan qof ay ku dhinteen halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen Qarax maanta ka dhacay magaalladda Muqdisho.

Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku Qarxay inta u dhaxeysa Saldhiga Police-ka degmadda Waaberi iyo Hotel-ka Maka Al-Mukarama ee Magaalladda Muqdishu.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana la xiray wadada, iyadoo ciidamada ay wadaan baaritaanka qaraxa dhacay.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Axmed Carab, ayaa sheegay in dadka dhintay ay u badnaayeen dad rayid ah oo ku sugnaa goobta Qaraxa uu ka dhacay.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxa balse weerarada noocaan oo kale ah ayaa inta badan waxaa geysta Al Shabaab.