Wasiirka Wasaarada Dastuurka oo Maanta Hortagi Lahaa Baarlamaanka oo Codsadey In Dib Loogu Dhigo

0
58

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta ka baaqday in uu hortaggo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo horay ugu yeeray.

Wasiir Xoosh ayaa warqad uu u soo qoray Guddoonka Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ka codsaday in dib loogu dhigo kulanka, isagoo tilmaamay in 11 Agosto uu diyaar u yahay inuu hor-yimaado Baarlamaanka, haddana uu aadayo Caafimaad.

Gudoomiye Jawaari ayaa ka codsaday Xildhibaanada in ay cod u qaadaan in Wasiirka Warqadaasi laga aqbalo iyo in kale.

Todobaadki hore ayay ahayd markii Mooshin u yeerid ah laga hor aqriyay Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ay ku saxiixnaayeen Xildhibaano gaaraya 10.

Mooshinkaasi ayaa waxaa ku qornaa in wasiirka arrimaha dastuurka uu hor yimaado baarlamaanka si su’aalo loogu weydiiyo ka hor imaashihiisa go’aanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee qaraarka sugidda Xilheynta Xubnaha Golaha Shacabka iyo buuxinta kuraasta golaha ka banaanaata.