Ra’iisul Wasaaraha dowlada fedreaalka somaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyeeyey askartii ku geeriyootay dagaalkii ka dhacay deegaanka Golweyn.
Askartii lagu dilay Shabeellaha Hoose ayaa isugu jiray AMISOM iyo ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Ciidanka AMISOM waxey ka yimaadeen dalalkooda si ay shacabka Soomaaliyeed uga difaacaan kooxaha argagaxisada ah oo caadeystay inay shacabka laayaan, isla markaasna doonaya in ay hor istaagaan horumarka ay dawladda iyo shacabku ku tallaabsadeen.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dalalka Afrika ee ciidamadooda u soo direy Soomaaliya uga tacsiyeeyey, geerida ku timid, isagoo sheegay in huridda dhiigooda uu yahay mid shacabka Soomaaliyeed ay uga mahadcelinayaan.
Ugu yaraan 18 askari oo ka tirsan howlaglka Midowga Africa ee AMISOM ayaa lagu dilay weerar gaadmo ahaa oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.