Ciidan Ugandhes ahaa oo Dhawaan Lagu Diley Deegaanka Golweyn oo Meydkooda Shaley La Geeyey Ugandha

0
125

12 ka mid ah meydadka Ciidankii Uganda ee Axadii lagu dilay Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxaa shalay galabtii dib loogu celiyay dalkooda, kadib markii laga dejiyay Garoonka Entebbe.

Diyaarad nooca xamuulka ah, ayaa shalay meydadkan ka qaaday Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, oo uu ku dhex yaalo taliska ugu weyn ee Ciidamada AMISOM.

Ciidankan oo ka tirsanaa Militariga Uganda ee qaybta ka ah AMISOM, ayaa waxaa lagu weeraray meel ku dhow Deegaanka Golweyn, xilli ay sahay ka qaadeen Degaanka Danow, ayna ku sii jeedeen Degaanka Buulo Mareer.

Ururka Al-Shabaab, ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ku dileen ugu yaraan 39 askari, ayna gacanta ku hayaan meydadka askartaasi.