Ganacsato Somaliyeed oo Dab La Qabadsiiyey Ayagoo Ku Sugan Goobahooda Ganacsiga

0
84

Muwaadiniin Somaliyed ayaa lagu gubay goobahooda ganacsiga dalka Koonfur Afrika, arintaan oo naxdin iyo qalqal wayn ku abuurtay Somalida dalkaasi ku ganacsata.

Falkaan lagu gubay Goobaha ganacsiga oo ay ku dhinteen Alle u naxariiste Cali Maxamuud Cali, Cabdullaahi Cali Caymooy ayaa waxaa uu dhacay habeenkii Isniinta oo taariikh-da ku beegneyd 31-ka bishii ina dhaaftay ee July, waxaana loo adeegsaday dhalooyin lagu shubo basiinka ee loo yaqaano “Padrol bamb”

Gudoomiyaha Jaaliyadda Somaliyed ee dalka South Africa Dr Maxamed C/laahi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay aad uga naxeen falkaan, waxaana uu intaasi ku daray in la ogaaday Basiinka loo adeegsaday gubista muwaadiniintaan Somaliyed, kadib markii Camero meesha ku xirnayd ay duubtay.

Laba kale oo muwaadiniin Somaliyed ah ayaa ka badbaaday falkaasi, kuwaasi oo sida la sheegay jiifay goob ku dhagan goobaha ganacsiga ee muwaadiniinta Somaliyed lagu gubay.

Muwaadiniinta dhintay ayaa mid ka mid ah wuxuu gurmad ahaan ugu yimid muwaadin kale oo Somaliyed oo xilliga dabka la qabadsiinaayay goobaha ganacsiga meesha ku jiray, iyadoo qofkii gurmadka ugu yimidna uu meesha ku geeriyooday.