Ciidamada Amison ee Ku Sugnaa Deegaanka Leego oo Isaga Baxay

0
70

Ciidanka Midowga Afrika ee howlgalka AMISOM ayaa isaga dareerey degaanka Leego oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha degaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose Abuukar C/laahi Isaaq (Al-cadaala) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay maamulkooda shalay in lagu soo wargeliyay in Ciidanka Midowga Afrika AMISOM ay ka baxayaan degaankaasi.

Abuukar C/laahi Isaaq ayaa sidoo kale sheegay AMISOM saakay in ay ka baxeen degaanka, ayna u soo dhaqaaqeen dhanka Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyaga oo wata Gaadiidkooda dagaal iyo sahnadooda Millitari.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha ilaa hadda in aysan garaneyn sababta ay u baxeen Ciidanka AMISOM, balse wuxuu sheegay in ay maqleen arrintan in ay ku saabsan tahay isbedelad ay sameynayaan Ciidamada, oo degaanka ay soo gaari doonaan Ciidamo kale oo ka yimid Baydhabo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe ku aadan sidii guud ahaan amniga dalka ay ula wareegi laheyd, maadaama la qorsheynayo in Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM dalka ay ka baxaan.