Dhegeyso: Wasiirka Wasaarada Dastuurka oo Maanta Hortegey Xildhibanada Baarlamaanka Raali Gelina Siiyey

0
46

Wasiirka wasaarrada dastuurka xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo maanta hortagay kulan xarunta gollaha shacabka ay ku lahaayeen xildhibaannada baarlamaanka ayaa raali galin ka bixiyay qoraal uu horay u soo dhigay boggiisa Twitter –ka.

Wasiirka ayaa sheegay in xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya uu raali galin ka siinayo qoraal uu uga hor yimid go’aan ay dhawaan gaareen kaasoo uu soo dhigay boggiisa Twitter –ka, kaa oo sababay in xildhibaannada ay doodda ka keenaan arintaa.

Wasiirka ayaa boggiisa Twitter –ka ku sheegay in baarlamaanku awood u laheyn in uu ka hor yimaado go’aanka ay maxkamada sare ka gaartay Siddeed xildhibaan oo ka tirsan gollaha shacabka.

Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in arintan ay soo faragaliyeen madaxda ugu sareysa dalka , taasoo keentay in wasiir Xoosh uu maanta hortago xildhibaannada oo markii hore uu ka dalbaday in la siiyo muddo ku siman ilaa 11 bishan Augusto.

Wasiirka Dasuurka

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Wasiirka Dasuurka Mobil