Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa digniin u diray dadka Masuuliyiinta ah ee dowladda ka tirsan iyo dad Shacabka ah ee Baraha bulshada ku faafiya wararka lidiga ku ah Golaha Shacabka.
Waxa uu tilmaamay in aan la aqbali doonin in meel loogu dhaco sharafta Xildhibaanada Qaranka iyo Guddoonkooda Golaha Shacabka.
Jawaari ayaa sheegay in ay la xisaabtamaya cid walbo oo warar been ah ka faafisa Golaha Shacabka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Xildhibaanada ay gudanaya oo keliya Waajibaadkooda Dastuuriga ah balse aysan jirin Wasiir iyo Xukuumad ay duulaan ku yihiin.