Musharraxa Mucaaridka Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in hadii uu noqdo Madaxweynaha dalka Kenya doorashada 8-da Bishaan ka dhaceysa Dalka Kenya in aqoonsan doono maamulka Somaliland.
Waxaa uu sheegay in Soomaaliya uu si gaar ah u tixgalin doono , Somaliland uu u aqoonsan doono dal Madax banaan oo ku yaalla Geeska Afrika.
Waxaa uu sidoo kale xusay in Somaliland ay ka go’day Soomaaliya, islamarkaana ay mudan tahay in la aqoonsado.
Dhanka kale Musharraxa Mucaaridka Kenya ee Raila Odinga waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda Kenya ee ku sugan Soomaaliya uu lasoo bixi doono,maadaama uu sheegay in ay la kulmaan dhibaatooyin kala duwan.
Waxaa uu tilmaamay in ciidamo badan oo Kenyaan ay ku dhinteen Soomaaliya,islamarkaana dowladda ilaa iyo hadda aysan wax faahfaahin ka bixin geerida Ciidamadaasi.