Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda amniga maamulka Shariif Xasan C/risaaq Cabdi Aadan, ayaa sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.
Weerarka ayaa shalay waxaa uu ka dhacay tuuladda Yaabal oo u dhow deegaanka Abal, halkaas oo uu saldhig ku leeyahay Abuu Mansuur.
Mukhtaar Roobow, ayaa saddex sano ka hor kasoo goostay Al Shabaab, waxaana uu hadda dagaal kula jiraa Al Shabaab, sida wasiirka uu sheegay.
14-ka bishii June ee sanadkan, Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay dowlada Mareykanka ugu saartay liiska Argagixisada Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo kamid ahaa Hogaamiyayaasha ugu sareeya Dagaalyahannada Ururka Al Shabaab.