Qeyb ka mid ah qoraal uu soo saaray wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa lagu sheegay walaac guud ahaan wakiilada beesha caaalamku ay ka qabaan dhismaha gudiga dib u eegista dastuurka labada aqal oo aan qeyb laga siin dumarka.
Guddigan oo ka kooban Toban xubnood ayaa shan ka mid ah laga soo xulay gollaha shacabka halka shanta kalana ku matalayaan Aqalka sare, iyaga oo dhawaan guddoomiye u doortay Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid.
Qoraalka ka soo baxay xafiiska wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa loogu muujiyay walwalka iyo walaaca beesha ee la xiriira in haweenka oo 50% ka badan tirada guud marka la eego bulshada Soomaaliyeed aysan wax qeyb ah ku yaalan gudiga dib u eegista dastuurka isaga oo ka codsaday guddoonka labada aqal in arintaa hoos u eegaan.
Haweenka Soomaaliyeed ayaa baarlamaanka ku leh kuraas qiyaastii dhan 24% taasoo loo arkayo mid wanaagsan, balse beesha caalamka ayaa u aragta tallaabo dib u dhac keeni karta in haweenku aysan wax qoondo ah ku yeelan gudigan labada aqal ku matalaya dib u eegista dastuurka.