Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Shariif Xasan ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow uu dib ula wareegay deegaanka Abal, kaddib markii weerar rogaal celin ah uu ku qaaday Al-Shabaab.
Maxamed Xasan Fiqi oo ka tirsan golaha wasiirada maamulkaas oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow uu nool yahay, xaaladiisana wanaagsan tahay, isagoo xusay inuu iska difaacay weerar lagu soo qaaday deegaankii uu ku sugnaa.
Mr Fiqi ayaa sheegay in Al-Shabaab ay afar jiho ka weerareen deegaanka uu ku sugnaa, gaar ahaan ciidamo badan ay ka soo weerareen dhanka Gedo, waddooyin ka yimaada Bakool, dhanka Hiiraan iyo waddooyin ka yimaada Baydhabo.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada