Wasiirka Boostada,Isgaarsiinta iyo Tignolojiyadda Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan . sheegay in dowladda Soomaaliya ay la socoto in Nambarka furaha dalka ee 252 lagu dhacay lacago badan.
Waxaa uu xusay in meel marinta sharciga isgaarsiinta ee shalay Baarlamaanka meel mariyay uu waxbadan ka tari doono wax ka qabashada dhibaatada lagu geysto furaha dalka ee 252.
Wasiir Canshuur ayaa xusay in dowladda ay la socoto in lacago badan lagu dhacay furahaas gaar ahaan dalalka Sweden iyo Vietnam iyada oo sharikadaha Isgaarsiinta ee dalalkaas ay rukunkooda uga digeen in ay ka jawaabaan Nambarrada wata furaha Soomaaliya.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada