Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay sharciga xakameynta Hubka wax dila, kaasoo ka mid noqonaya sharciyo horay Goluhu u ansixiyay.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa wariyeyaasha u sheegay in golaha wasiirada ay si aqlabiyad leh ku ansixiyeen sharciga xakameynta hubka wax dila.
Sharcigan ayaa waxaa soo diyaariyay Wasaaradda Amniga gudaha, waxaana uu soo maray marxalado kala duwan.
Wasiir Yariisow ayaa sheegay in muddooyinkii la soo dhaafay laga hortagay falal amni daro, isagoo xusay in ansixinta sharcigan uu qeyb wanaagsan ka yahay howlaha socda.