Suuqa Magalaada Gaarsia oo Ay Kooxo Careysani Dab Qabadsiiyeen

0
75

Wararka naga soo gaaraya gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in dad carreysay goor dhaw dab qabadsiiyeen suuqa ugu weyn degmada Gaarisa ee lagu magacaaabo ‘’ Suuq Mugdi’’

Suuqa ayaa la sheegay intiisa badan uu ku sii fidaya dabka waxaana la tacaalaya sidii loo damin lahaa kooxaha dab damiska dhinaca kalana waxaa suuqa buux dhaafiyay ganacsatada halkaa hantida ku leh.

Dabkan la qabadsiiyay suuqa ayaa imanaya kaddib markii guddiga doorashada ay ku dhawaaqeen shaqsiyaadkii ku soo baxay doorashada, waxaana Cali Bunow Qorane loo doortay guddoomiyaha degmada Gaarisa.

Si kastaba arintu ha ahaatee xasilooni darada xiligan ka jirta dalka kenya ayaa cirka isku sii shareereysan kadib kolkii taageerayaasha xisbiga mucaaradka ay ku guul dareysteen doorashooyinkii shaley ka dhacay dalka kenya.