Kulanka Gudoomiyeyaasha Baarlamaanka Qaarada Africa oo Maanta Furmey

0
52

Guddoomiyaasha Barlamaannada dalalka Qaaradda Africa, ayaa kulankoodii sanadlaha ahaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay uu uga furmay xarunta Baarlamaanka Africa ee magaalladda Johansbeg.

Soomaaliya oo qeyb ka ah dalalka Africa, ayaa waxaa shirkaasi uga qeyb-galaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

Prof Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari, ayaa wafdigiisa waxaa qeyb ka ah, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka South Africa Jamaal Maxamed Barrow, wasiiro iyo xubno kale.

Kulanka waxaa looga hadlayay arrimo muhim ah oo quseeya Qaarada Africa gaar ahaan dhallinyarada Africa sidii loogu diyaarin lahaa hogaaminta Siyaasadda Qaaradda iyo maamulka dhaqaallaha, iyada oo la siinayo fursadahii ay kula wareegi lahaayeen howshaas.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed Prof Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa waxaa uu sheegay in dhallinyarada looga baahan yahay in garab laga siiyo saddax dhinac.