Qarax Ismiidaamin ah oo Maanta Ka Dhacay Gudaha Xabsiga Dhexe

0
54

Qarax ismidaamin ah oo maanta ka dhacay masjid ku dhex yaala gudaha xabsiga dhexe oo ku yaala degmada Xamar –Jajab meel aan ka fogeyn dekedda Muqdisho ayaa la sheegayaa in uu qeystey qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Askari ka tirsan ciidamada iyo qofkii weerarka geystay ayaa la sheegay in ay ku dhinteen qaraxa ayaa la sheegey in lala bartimameysanayey taliyaha ciidamada asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Xusseen Cismaan oo wax yar uu ka hor soo gallay gudaha xabsiga.

Masaajiidkan uu qaraxa ka dhacay ayaa la sheegay in ay ku tukadaan saraakiisha xabsiga, kuwa maxkamadaha iyo shaqaalaha.

Laamaha amniga ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan la xiriira qaraxa iyo qofka weerarka geystay intaba.