Amison oo Sheegtey In Ciidan Boliis ah Ay u Tababari Doonto Maamulka Hirshabeele

0
41

Wafdi ka socda howlgalka Midowga Africa ee AMISOM iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Police-ka dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan laba maalin oo tababar ah waxaa ay usoo geba-gebeeyeen ciidamo police ah oo u diiwaan gashan maamulka Hirshabeelle.

Wafdiga waxaa hogaaminayay taliyaha ciidanka Police-ka AMISOM Anad Pillay iyo taliyaha ciidanka Police-ka Soomaaliya General Maxamed Cabdi Bashir, waxaana labaduba ay sheegeen muhiimadda ay leedahay kobcinta iyo taageeridda ciidanka nabad-gelyada.

Dhinaca kale Howlgalka Midowga Afrika, ayaa sheegay in Ciidamo Boolis ah uu u tababarayo maamulka Hirshabeelle.

Ciidamada Booliska ah ayaa tiradooda lagu sheegay 1,000 Askari, 600 oo ka mid ah waxaa ay ka imaan doonaan Magaalladda Baladweyne, halka 400 oo kalena ay ka iman doonaan magaalladda Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Mudane Axmed Mayre Makaraan, ayaa sheegay in ay aad usoo dhoweynayaan tababarka lasiinayo ciidamada Police-ka.