Waxaa saakay dib loo furay wadada isku xirta isgoysyada Shaqaalaha iyo KPP, taasi oo muhiim u ah isku socodka, talaabadaasi waxaa qaaday Maamulka Gobolka Banaadir.
Wadadan oo horey dib u dhis loogu sameeyay ayaa u xirneyd Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, gaar ahaan dhanka dhismaha Guriga Shaqaalaha ee hadda noqotay xarunta Baasaboorada laga bixiyo.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed oo halkaasi warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in ummadda Soomaaliyeed culeyskii heystay ee la xiriiray wadadan ay ka qaadeen, shacabka dhankoodana looga baahan yahay hadii wadadan la furay in Ciidamada ay kala shaqeeyaan dhanka amaanka.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada