Hogaamiyihii hore ee Xarakadda Al Shabaab Sheekh Mukhtaar Roboow Abuu Mansuur ayaa gaaray magaalladda Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, halkaas oo uu kulan kula leeyahay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Shariif Xasan iyo dowladda Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta maamulka Shariif Xasan, ayaa dhinaca kale xaqiijiyay in Mukhaar uu isku soo dhiibay ciidamada maamulka koonfur galbeed iyo kuwa dowladda.
Taliyaha Booliska Shiine Macalin Nuurow oo la hadlay Warbaahinta ayaa wuxuu sheegay ciidamada Koonfur Galbeed inay si nabadgelyo ah ku soo dhaweeyeen Abuu Mansuur.
Waxaa dagaallo goos-goos ah maalmihii lasoo dhaafay ay ka socdeen deegaanka Abal ee gobolka Bakool, kuwaas oo u dhaxeeyay dagaalyahanno kala taabacsan al-Shabaab iyo kuwa kale oo uu hoggaaminayo amiir ku xigeenkii hore ee kooxdaasi Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur.