Madaxweynihii xilka laga qaadey ee Maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble oo goordhow Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Jowhar ayaa ka soo horjeystay xilka qaadista ay ku sameeyeen Xildhibaannada Maamulka Hirshabeelle.
Cosoble waxaa uu sheegay in aysan xil ka qaadi karin 48 Xildhibaan oo shir ku yeeshay Jowhar,waxaana uu xusay in isaga ay la joogaan 50 Xildhibaan.
Madaxweyne Cosoble ayaa beesha Caalamka ugu baaqay in ay la socoto xaaladda Siyaasadeed ee ka jirta Hirshabeelle waxaana uu intaas ku daray in waxa shalay ka dhacay Jowhar ay sharci darro tahay islamarkaana uusan isaga aqbaleyn.
Guddoomiyaha Barlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed oo isna maanta tagay Magaalada Jowhar ayaa sheegay in uu raacsanyahay Go’aanka Xildhibaannada Hirshabeelle xilka uga qaadeen Cali Cabdullahi Cosoble,waxaan uu xusay in muddo 30 Cisho ah lagu soo dooranayo madaxweyne ka soo jeeda Beesha uu Cali Cabdullahi ka dhashay.