Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshbeeelle oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa doortay 9 xubnood oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka, kuwaasi oo ka shaqeynaya diyaarinta Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle.
Dastuurka maamulka Hirshabeelle ayaa dhigaya in mudo 30 cisho gudaood ah lagu doonayo in maamulka uu yeesho Madaxweyne cusub.
Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed iyo labadiisa ku xigeen ayaa xildhibaanada u soo jeediyay in ay isku raacaan xubnaha Guddiga Doorashada.
Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa weli ku adkeysanaya in uu yahay Madaxweynaha maamulkaasi, inkastoo xildhibaanada Baarlamaanka ay si sharci ah xilka uga qaadeen.