Kulankii Khamiislaha oo ay Yeeshaan Golaha Wasiirada oo Maanta Lagu Ansixiyey Qodobo Dhowr Ah

0
90

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre.

Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Sharciga la Dagaalanka Argagaxisada, go’aan laga gaaray dhismayaasha u dhow dhabaha diyaaradaha ku soo degaan, warbixino laga dhageystay Guddoomiyaha Gobolka Benadir iyo Hanti-Dhowrka Guud ee Qaranka iyo arrimo kale.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada oo sheegay si garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Adan Cadde uu u noqdo mid hela aqoonsiga caalamiga ah loo baahan yahay in la banneeyo 150 mitir dhan walba ee dhabaha diyaaradaha ku soo degaan (runway). Dood dheer ka dib, Golaha Wasiirada waxey go’aamiyeen in si deg-deg ah looga guuro oo loo banneeyo 150 mitir.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, ahna Duqa Muqdisho, Mudane Taabit Cabdi Maxamed ayaa Golaha Wasiirada siiyey warbixin ku aadan horumarka 100kii maalmood ee Maamulka Gobolka uu ku tallaabsaday sida xasilinta amniga, nadaafada, dhismaha waddooyinka sida 30ka, Xawo Casir, awood-siinta dumarka, dhiiri gelinta dhalinyarada, is-dhexgalka bulshada, daahfurka aragtiwadaaga Maqaamka Muqdisho iyo arrimo kale.

Golaha Wasiirada ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyey Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Argagaxisada oo Wasiirka Amniga uu Golaha horey ugu soo gudbiyey. Sharicgan ayaa muhiim u ah soo celinta amniga, nabadeynta iyo ciribtirka kooxaha argagaxisada ah oo shacabka dhibaatooyin u geysta.

Golaha Wasiirada ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedyada Batroolka iyo kan Istaatiistikada oo Wasiirada Batroolka iyo Qorsheynta ay warbixno kooban ka siiyeen Golaha Wasiirada muhiimada sharciyadan. Golaha ayaa soo akhrisan doona sharciyadan si kulamada danbe looga doodo, loona ansixiyo.