Dowlada Qadar oo soo Dhaweysey Go,aanka Ay Sacuudiga Xadkeeda ugu Furtey Xujeyda Reer Qadar

0
88

Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay aad usoo dhoweynayaa go’aankii Sacuudiga uu xuduuda ugu furay xujeyda ka imaaneysa dalka Qatar.

Dowladda Sacuudiga, ayaa bishii June sheegtay in xujeyda reer Qatar ay Sacuudiga ku imaan karaan oo keliya safarda xagga cirka, ka dib markii ay xirtay xuduuda Salwa.

Tan iyo bishii June markii go’aankaasi uu kasoo yeeray Sacuudiga, ayaa waxaa wal-wal xooggan uu lasoo dersay xujeyda, waxaana la arkayay xujey badan oo aadeysa waddamo kale si ay halkaasi uga soo aadaan dalka Sacuudiga.

Dowladdaha Sacuudi Carabiya, Masar, Baxrayn iyo Isutagga Imaaraadka Carrabta ayaa xiriirkii diplomaasiyadeed u jaray dawladda Qadar, iyaga oo ku eedeeyay in ay daganaansho la’aan ka wado gobolka.