Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mowqif ka qaadatay khilaafka siyaasadeed ee maamulka Hirshabeelle, waxaana ay dowladdu aqbashay go’aankii ay qaateen xildhibaannada ee kalsoonida lagala laabtay Cali Cabdullaahi Cosoble.
War ka soo baxay wasiirka wasaarada arimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa oo ka mid ahaa wafdigii wasiirada ahaa ee xaalada qiimeynta u tagay Jowhar khamiistii ayaa lagu sheegay in ay tixgalinayaan go’aankii baarlamaanka Hirshabeelle ee ay gaareen 14-kii bishan, ee xilka lagaga qaaday Cali Cabdullaahi Cosoble.