Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya iyo Madaxweynaha Dalka Masar oo Maanta Kulmey Kana Wada Hadley Qodobo Muhiim ah

0
99

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Masar ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalkaas CabdiFitax Al-Siisi, iyaga oo ka wada hadlay xiriirka labada dowladood.

Madaxweynaha dalka Masar ayaa kusoo dhaweeyay dhigiisa Soomaaliya Qasriga madaxtooyada Al-Itixaadiya ee magaalada Qaahira halkaasoo ay kuwa qaateen kulan gaar ah, oo lagu lafa-guray intiisa badan xiriirka labada dowladood iyo sidii loo soo xoojin lahaa.

Gaar ahaan madaxweyne Farmaajo ayaa kala hadlay Asiisi qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin .

1- In shirkada Egypt Air ay duulimaadyo toos ah ka bilowdo Muqdisho iyo Qaahira
2- In dhinaca kale in dal ku galka loo fududeeyo dadka ku safraya Baasaboorada Shaqaalaha iyo Diblomaasiga
3- In dowladda Masar ay ka hirgaliso Soomaaliya xarun lagu tababaro Diblomaasiyiinta
4- In la kordhiyo deeqaha waxbarasho ee dowladda Masar ay siiso Ardeyda Soomaaliya.

Sidoo kale labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay arimaha dhismaha ciidamada iyo dowladda Masar arintaa gacan ka siiso Soomaaliya.