Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Xaley La Kulmey Jaaliyada Somaliyeed ee Ku Nool Magalada Qaahira

0
96

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Max’ed C/llaahi Farmaajo, ayaa xalay la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Masar.

Farmaajo, ayaa jaaliyadda kula kulmay xarunta Jaamacadda Al-Azhar ee magaallaadda Qaahira, halkaasi oo lagu qabtay munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha iyo wefdigiisa.

Munaasabadda soo dhoweynta waxaa ka qeyb-galay safiirka Soomaaliya ee dalka Masar, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr C/qaasim Salaad Xasan, Wasiiro ku wehliyay safarka Madaxweynaha iyo jaaliyadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Max’ed C/llaahi Farmaajo, ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad dheer, wuxuuna Madaxweynaha Soomaaliya uu uga mahad celiyay Dowladda Masar sida wanaagsan oo ay u soo dhaweysay iyo jaaliyadda Soomaaliyeed.

Md. Farmaajo, ayaa kula dardaarmay jaaliyadda Soomaaliyeed iney kaalin ka qaataan horumarka dowladnimo ee ka socoda dalkooda hooyo, isagoona bogaadiyay dadaalkoodi horumarineed.