Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed islaam ayaa ku eedeeyay Beesha Caalamka in ay caqabad ku tahay horumarka Soomaaliya.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in Beesha Caalamka aysan doonin in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka hormaray.
Axmed Madoobe ayaa Beesha Caalamka ku eedeeyay in aysan dhab ka aheyn wax u qabashadda Soomaaliya,islamarkaana aysan aaminsaneyn dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyadda.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa horay u sheegay in dadka Soomaaliyeed laga doonaayo in ay ka madax banaanaadaan Beesha Caalamka oo ay wax qabsadaan.
Beesha Caalamka ayuu xusay in aysan waxba taraynin hadii deeqaha ay Soomaalida ugu tala galeen ay u dhiibaan NGO-yo aan waxba u qabanaynin umada.