Dowladda Turkiga ayaa la filayaa in bisha September ee nagu soo foolka leh ka furto magaalada Muqdisho saldhig militari oo lagu tababari doono ciidamada Soomaaliya.
Saraakiil la taliyayaal ah iyo ciidamo Turkish ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho kuwaa oo qeyb ka noqon doonta munaasabada furitaanka saldhiga militari.
Warbaahinta Turkiga ayaa laga soo xigtay in askartan qeyb ka noqon doonaan howlaha saldhiga militari ee Turkiga oo la sheegay in markiiba lagu tababari karo wax ka badan 1, 500 oo askari.
Wali kama aysan hadlin dowladda Soomaaliya ciidamadan Turkish-ka ah ee ka soo degay magaalada Muqdisho, laakiin horay dowladda Soomaaliya ayaa u sheegtay in dowladda Turkiga ka dhiseen Muqdisho xero lagu tababari doono ciidamada Soomaaliya.