Daawo Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo Sheegey Wixii Ay Ka Wada Hadleen Dowlada Masar

0
84

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in heshiisyo waa weyn ay la gaareen dowladda Masar ayna rajeynayaan in faa’ido weyn ay unoqon doonto shacabka Soomaaliyeed.

Kadib markii uu kasoo laabtay Masar ayuu Farmaajo tilmaamay in heshiisyadda ay kamid yihiin horumarinta ganacasiga, maalgalisha beeraha, kalluumeysiga, xoolaha iyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo dal ku galka Masar.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in dhawaan ay ciidamo boolis ah udiri doonaan Masar si halkaas tababar loogu soo sameeyo.