Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay la socdeen dad shacab ah oo maraayay duleedka Degmada Afgooyeee gobolka Shabeelaha Hoose.
Gaarigaan oo xalay ka ambabaxay Magaalada Afgooye ayaa lagu soo waramayaa in lagu rasaaseeyay inta u dhaxeysa Magaalada Wanlaweyn iyo Degmada Afgooye, kadib markii wadihii gaariga uu ka dhaga adeegay inuu istaago goob Isbaaro tiilay.
Inta la xaqiijiyay Rasaastaasi waxaa ku dhintay Saddex qof, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay qaar ka mid ah dadkii Gaariga Saarnaa.
Ma jirto cid ka tirsan Maamulka Degmada Afgooye iyo kan Gobolka Shabellaha hoose oo ka hadlay amuurtaan, hayeeshe muddooyinkii dambe waxaa si aad ah u sii kordhaayay tirada Isbaarooyinka la dhiganaayay Gobolka Shabellaha hoose.